Madaxweyne Donald Trump ayaa codsaday in la joojiyo baarista lagu hayo

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ku baaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo joojiyo baaritaanka la xiriira fadeexaddii Ruushka ee farogalinta doorashada Maraykanka.

Isaga oo fariimo kusoo qorey boggiisa Twitter-ka, ayuu ninka hormuudka ka ah baaritaanka Robert Meuller ku tilmaamay nin “gabi ahaanba is burinaya”.

Waxa uu sidoo kale xeer illaaliyaha guud Jeff Sessions ka codsaday in uu kala dhantaalo baaritaanka, kuna soo koobo eedeymo oo kaliya.

Waxa uu hadaladan jeediyay xilli warbaahinta Maraykanka ay kasoo xigatay kaaliyeyaasha Trump in laga yaabo in Mueller uu warbixintiisa waxyaabihii baaritaanka uga soo baxay uu u gudbin doono madaxweynaha dhawaan.

Waxa uu Trump si gaar ah uga gilgishay dacwadda ku socota agaasimihii ololaha doorashadiisii Pau Manafort, kaas oo maalinkii labaad dhagaysiga dacwadiisa ay maxkamad ka socoto.

Afhayeenka Aqalka Cad Sarah Sanders ayaa mar sii dambeysay sheegtay in fariimaha madaxweynaha ee Twitter-ka aysan ahayn amar madaxweyne.

Inkasta oo aysan wax cusub ahayn hadalka caroda leh ee Trump, haddane waa markii ugu horeysay oo si toos ah ugu baaqo xeer illaaliyaha guud in uu eryo Robert Mueller.

Waxaa kale oo jirta in dacwadda lagu hayo Manafort ay lugaha lasii galayso xubno ka mid ah qoyska madaxweynaha, gaar ahaan wiilkiisa iyo wiilka uu sodogga u yahay.

Balse sharci ahaan Jeff Sessions, xeer illaaliyaha guud, shaqada kama eryi karo Mueller maadaamaa uu horey isaga reebey ku lug lahaanshaha baaritaanka oo dhan.

Inkasta oo Trump uu amar dul dhigi karo laanta garsoorka Maraykanka maadaamaa ay ka mid tahay laamaha fulinta, haddane muddo dheer waxaa jiray olole loogu jiray in ay laantan ka madax banaanaato farogalin siyaasadeed.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *