Jabuuti oo ku gacan seyrtey go’aan ay maxkamad ku taal London ka gaartay dacwada DPW

Dowlada Jabuuti ayaa diidey go’aan ay ka gaartay Maxkamadda dhexdhexaadinta caalamiga ah ee London dacwaddii u dhexaysay Jamhuuriyadda Jabuuti iyo Shirkadda Dubai Ports World.

Maxkamadda ayaa xukuntay inuu shaqaynayo heshiiskii u dhexeeyay labada dhinac ee ay dawladda Jabuuti ka baxday lix bilood ka hor.

Maareeyaha Dekadaha Jabuuti Abubakar Cumar Xaddi ayaa ku tilmaamay go’aanka mxkamad ay gaartay mid dhinac u janjeera.

“Waan diidnay go’aanka maanta ka soo baxay Maxkamada London wax naga quseeyana ma jiro waana go’aan dhinac u janjeera.”ayuu yiri Abuubakar Cumar Xaddi oo wareysatay laanta afka soomaaliga ee VOA.

Maareeye Xadddi ayaa sheegay in  go’aanka uusan saameyn ku yeelan doonin howlaha dekeda Jabuti waxana uu xusay in ay diideen oo ay qaadaceen.

Dowlada Jabuuti ayaa lix bilood kahor waxa ay baabi’isay heshiis ay la galeen shirkadda laga leeyahay wadana Isutagga Imaaraadka Carabta ee DPW.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *