Daan daansi la sheegay in ay wado Somaliland oo laga digay iyo Fariin loo diray Dowladaha Dariska

Shirkii Golaha Wasiirada Puntland uu shir guddoominayey Madaxweyne kuxigeenka Maamulka Puntland Eng. Cabdixakiim Xaaji Cabdullaahi Cumar Camey ayaa waxaa looga hadlay arrimo ay ka midyihiin:
Xaaladda amniga
Ansixinta xeerka saxaafada Puntland
Xeerka Biyaha Puntland
Xeerka xuquuqda Caruurta iyo Warbixino.

Xaaladda Amniga Dalka

Golaha Xukuumadda Puntland ayaa ku dhawaaqay in laamaha amnigu ay dhammaan Magaalooyinka waaweyn ee Puntland ka samaynayaan baaritaano sugan oo xagga amniga ah gaar Caasimada Puntland ee Garoowe, sidoo kale goluhu wuxuu ugu baaqayaa shacabka Puntland in ay si buuxda ula shaqeeyaan Ciidanka ku jira hawl-galka lagu baacsanayo qaswadayaasha ku dhuumaaleysanaya Magaalooyinka Puntland lana wadaagaan xog walba oo ku saabsan amniga ciidanka hawl-galka kujira.

Dhinaca kale goluhu waxa uu uga digeyaa Maamulka Hargeysa, daandaansiga uu ka wado gobollada Sool iyo Cayn, isla markaana goluhu wuxuu caddeeyey in aysan Puntland u dulqaadan doonin in Maamulka Hargeysa uu ka sameeyo tiro koobyo goobo kamidah deeganadaas, wuxuuna goluhu u sheegay Dawladda Federaalka Soomaaliya, Dawladaha deriska ah iyo Beesha Caalamka in cawaacib xumada ka dhalata aagagaas uu mas’uuliyadeeda qaadayo Maamulka Hargeysa.

Ansixinta Xeerka Saxaafada Puntland

Golaha Xukuumadda Puntland waxay ansixiyeen xeerka saxaafada Puntland oo guluhu ku sameeyey dibu eegis iyo waxka beddel, sidoo kale xeerka ayaa lagu caddeeyey xuquuqda weriyaha iyo mulkiileyaasha warbaahinta Puntland, Sidoo kale xeerku wuxuu nodon doonaa mid xoojinaya wada shaqaynta dawladda iyo warbaanita madaxa bannaan.

Xeerka Biyaha Puntland

Golaha Xukuumadda Puntland ayaa ka dooday xeerka ilaalinta iyo kor u daadida tayada biyaha Puntland. Xeerkaan ayaa deexaya horumarinta khayraadka biyaha sida Kannaallada, Biyo xireennada iyo ka faa’iideysiga biyaha oogada sare maraya iyo kuwa dhulka hoostiisa ku jira, isla markaana xeerku wuxuu tilmaamayaa sida looga faa’iideysanayo biyaha dabiiciga ah , harooyinka iyo dooxooyinka waaweyn ee Puntland.

Xeerka Xuquuqda Caruurta Puntland

Golaha Xukuumadda Puntland ayaa ka dooday xeerka xuquuqda carruurta Puntland, xeerkaan oo qeexaya ka hortaggagefka loo geysto caruurta iyo sidoo kale dhaqan toosinta iyo dhiiro-gelinta carruurta si mustaqbalkoodu u wanaagsanaado.

Warbixino

Golaha Xukuudda Puntland ayaa warbixin ka dhegeystay Wasaaradda Duulista Hawada iyo Wasaaradda Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ah oo ka warbixiyey hawlo qaran oo ay soo qabteen.

Please follow and like us:

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*