Ciidamada DFS, Kenya iyo kuwa Ajaaniib ah oo Weerar ku qaaday Xarumaha Al Shabaab

Kismaayo (Mareeg) — Wararka laga helayo Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in Ciidamada Dowlada Soomaaliya, Kenya iyo kuwa Ajaaniib ah ay weerar ku qaadeen Xoogaga Al Shabaab ee ku sugan Duleedka Magaalada Kismaayo.

Weerarkan ayaa Ciidamada Huwanta waxey ku ekeeyeen fariisimo Xarakada Al Shabaab ay ku leeyihiin Degaanka Cabdalle-biroole oo dhanka galbeed kaga beegan Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose.

Goobjooge  ayaa waxuu sheegay in Weerarkaasi uu ka dhashay Dagaal toos ah oo u dhaxeeyay Xoogaga Somalia, Kenya oo taageero ka helaya kuwa cadaan ah iyo Xarakada Al Shabaab.

Weerarkaasi ayaa waxaa Ciidamada Huwanta uga dhaawacmay hal askari oo ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa DANAB, halka Al Shabaabna laga gubay hal gaari.

Ilaa iyo hada ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay Saraakiisha Ciidamada isgarabsanaya iyo kuwa Xarakada Al Shabaab oo ku aadan Weerarkii ka dhacay Duleedka Magaalada Kismaayo.

Please follow and like us:

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*