10 Ruux oo ku dhaawacmay Qarax ka dhacay Magaalada Baardheere

Ugu yaraan 13 Ruux ayaa lagu soo waramayaa in uu dhaawac ka soo gaaray Qarax khasaaro geystay oo ka dhacay Bartamaha Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Qaraxan ayaa khasaaraha ka dhashay ayaa waxuu ka dhacay Maaqaaxi mashquul badan oo ku taalla bartamaha Magaalada Baardheere.

Maxamuud Guhaad Timajilac oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa waxuu xaqiijiyay in Gudoomiyaha Baardheere, Taliyaha Amniga ee Degmada iyo 7 Askari kale in ay ku dhaawacmeen Qaraxaasi.

4 kale oo Shacab ah ayaa ku jira Dadkii ku dhaawacay Qaraxaasi, sida uu sheegay Sarkaal Maxamuud Guhaad Timajilac oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxuu tilmaamay in aan weli la ogeyn nuuca uu ahaa Qaraxaasi ka dhacay Magaalada Baardheere.

Dhinaca kale, howlgallo kala duwan ayaa Saaka ka socoda Xaafadaha Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo, iyadoona howlgalladaasi ay la xiriiraan Qaraxii halkaasi ka dhacay.

Weli lama soo sheegin hadii dad lagu soo qab qabtay howlgalladaasi ka soconaya qeybo ka mid ah Magaalada Baardheere.

Ilaa iyo hada ma jirto cid sheegatay mas’uuliyada Qaraxaasi, balse Al Shabaab ayaa mudooyinkii dambe waxey sheeganayeen Qaraxyo kala duwan oo ka dhacay qeybo ka mid ah Dalka Soomaaliya.

Please follow and like us:

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*